Ciidamada TPLF oo mar kale gantaalo ku garaacay Asmara

Asmara (Caasimada Online) – Ciidamada ururka TPLF ayaa xalay mar kale gantaallo ku garaacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, taasi oo sare usii qaaday cabsida laga qabo in dagaalka Ethiopia uu ku fido gobolka.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la xaqiijiyey inay ku dhaceen Asmara, kuwaasi oo laga soo tuuray gobolka Tigray, sida ay sheegeen afar diblomaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaraaha ka dhashay gantaallada.

TPLF ayaa ku eedeysay Ethiopia inay adeegsaneyso taageerada militariga Eritrea, eedeyntaas oo Ethiopia ay beenisay.

TPLF ayaa horey u sheegatay mas’uuliyadda gantaallo kale oo lagu garaacay Asmara laba toddobaad ka hor, waxyar un kadib markii uu dagaalka billowday.

Weerarkan ayaa imanaya ayada oo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed uu Khamiistii sheegay in dagaalka uu ku hayo gobolka Tigray uu galay “wejigii saddexaad.”

Abiy ayaa sidoo kale mar kale diiday inuu wada-xaajood la galo kooxda TPLF, wuxuuna baaqyada arrintaas la xiriirta ku sheegay “faro-gelin” lagu sameynayo arrimaha gudaha ee Eritrea.

Hadalkan ayuu sheegay xilli uu wadahadal kula jiray saddex ergey oo ka socda ururka Midowga Afrika oo isku dayaya in la dhameeyo dagaalka dhibta badan geystay ee u dhexeeya ciidan federalka ah iyo xoogagga gobolka Tigray.

Saddexda ergey ayaa kala ah madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf, madaxweynihii hore ee Mozambique Joaquim Chissano iyo madaxweynihii hore ee dalka South Africa Kgalema Motlanthe.

Dhinaca kale, dowladda Tigray ayaa Jimcihii sheegtay in ciidamada federaalka Ethiopia ay duqeynayaan magaalooyin iyo xaafado, ayaga oo khasaare xooggan gaarsiiyey shacabka.