Xog: Xarumihii dowladda iyo kuwa ciidanka ee Hiiraan oo korontada laga jartay

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in shirkad Koronto oo ku taala magaalada Beladweyne ay korontada ka jaratay xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan, Saldhigga Booliska iyo Xabsiga magaalada Beladweyne, kadib markii ay iska bixin waayeen lacag ka badan 300 oo kun oo dollar oo ah lacag isgaareysa illaa 2012-kii.

Wararka laga helayo Beladweyne ayaa sheegaya in maamulka gobalka oo u diyaar garoobaya soo dhoweynta Cali Guudlaawe ay soo gashadeen Koronto kale kadib maalmo ay Koronto la’aan ahaayeen, waxaase wali koronto la’aan labada xarun ee kale.

Maamulka Shirkadda Korontada ayaa ka cabanaya in ay dareemayaan rajo xumo ay ka qabaan in ay helaan lacagta kaga maqan maamulka HirShabeelle.

Gobalka Hiiraan waxa uu ugu horreeyaa gobalada ugu dhaqaalaha badan Soomaaliya. Waa marinka isku xira goballada Koofurta, Bartamaha iyo Waqooyiga Soomaaliya waxaana maalintii gaadiidka mara laga qaadaa lacag ku dhow 40 kun oo dollar.

Sidoo kale waxaa la canshuuraa qudaarta iyo adeegyada kale ee gobalka, waxaana la sheegaa in lacagtaas aan waxba loogu qaban shacabkii laga qaaday.