Ciidamadii Ahlusuna ee kujiray xerada 21aad oo lagu wareejiyay Dowladda (Sawiro)

Dhuusamareeb-(Caasimadda Online)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ,Madaxa Golaha wasiirrada Galmudug iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta booqday xerada 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ku taal duleedka Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidanka ku jira Xereda 21aad waxaa ay hoostagaan Maamulka Ahlu Sunna Waljamaaca waxaana Ma`uuliyiintii Maanta booqatay xeradaas ay sheegeen in wixii xiligaan ka danbeeya ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Jen. Gorod ayaa sheegay in Ciidamadan ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay mushaarka iyo tasiilaadkooda kaleba bixin doonto dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Ciidamadan ay ka mid noqon doonaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya,sidoo kalena dib u dhis lagu sameynayo Xerada Ciidamada Xoogga Dalka ee 21aad kuna taal Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com