Gaashaandhiga Mareynkanka oo Beeniyay  in ay Ciidamo cusub u direen…

Washington-(Caasimadda Online)-Waaxda Difaaca Mareynkanka ayaa iska fogeysay eeydeymaha ah inay Ciidamo cusub oo Mareynkan ah oo ilaaliya Xuduuda dalkaasi geysay.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaib markii Dowladda Turkiga ay si carro leh leh uga hadashay Qorshaha Mareynkanka ee la xiriira Ciidamo Mareynkanka ah oo tababara dagaalyahaaniinta kurdishka Suuriya ay geysay xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Ciraaq.

Bayaan ay Waaxda Gaashaandhiga Mareynkanka soo saartay ayaa lagu sheegay inay Washington taa bedelkeeda ay tababarayso Ciidamo suga amniga gudaha dalka Suuriya si xaaladda caadiga ah loogu soo celiyo dalkaasi oo dagaalo ku habsaday., kumanaan kun ayaa ku barakacay dagaalada.

Waxayna intaa raacisay in talaabadaasi ay qaaday Dowladda Mareynkanka ay tahay mid lagama maarmaan si mar kale kooxda xaqjirka Daacish dib uga soo laabanin deegaanada laga xoreeyay ee Suuriya.

Dhanka kale Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareynkanka Rex Tillerson, oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda California ayaa meesha ka saaray walwalka dowladda Turkiga ay amnigeeda uga qabto Ciidamada cusub ee Mareykanku geynayo xuduuda Suuriya oo tirdoodu gaarayso 30kun Askari.

Laakin Madaxweynaha Turkiga  Racep Tayyip Erdogan oo ka hadlayay Ciidamada ay Dowladda Mareynkanku qorsheynayso inay halkaa geyso kuwo argagixiso ah oo ka dhan ah nabadda iyo amniga mandiqadaasi iyo waliba midnimada kurdiyiinta ee magaalada Cafareyn oo ku taal baadiyaha dhanka Waqooyi ee magaalada Halab

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com