Ciidamo ka tirsan AMISOM oo maanta dad shacab ah ku laayey MUQDISHO

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa Maanta dad shacab ah ku laayey Isgoyska Ex-Control Balcad ee Magaalada Muqdisho.

Sida ay xogta ku heshay Caasimadda Online, Ciidanka AMISOM ayaa rasaas ku furay gaari ka mid ah kuwa dadweynaha ee loo yaqaan BL oo marayey wadada Ex Control kadib markii qarax lala eegtay ciidankaas ka tirsan AMISOM.

Rasaasta ay ciidamada AMISOM ku fureen dadka shacabka ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan, waxaana inta la xaqiijiyey dhimashada gaareysaa ilaa 3 qof.

Seddexda qof ee AMISOM rasaasta ku dishay ayaa kala ahaa laba Dumar ah oo gaariga saarnaa iyo qof kale oo la sheegay inuu ahaa darawalkii gaariga kaxeenayey.

Wararkii ugu dambeeyey ee halkaas laga helayo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Booliska Degmada Heliwaa ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamadii AMISOM ee shacabka dilay, waxaana ilaa hadda xiran wadada uu ka dhacay falkaas.

Inta badan ciidamada howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa falal arxan darro ah waxa ay u geystaan shacabka iyada oo dowladduna aysan arrinkaasi tallaabo ka qaadin, waxaana ilaa hadda la ogeyn halka ay ku dambeeyaan dhawr kiis  oo AMISOM loo heystay oo la sheegay in baaritaan lagu sameenayo.