Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo qaraxyo lagula eegtay duleedka BALCAD

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM qaraxyo nooca miinada ah lagula eegtay wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Qaraxyada oo labo ahaa ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Gololey oo hoostaga Balcad, iyada oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee AMISOM.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada marka ay dhaceen, kadib ciidamada AMISOM ay dhinacyada u fureen rasaas xoogan, balse ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi ayaa shaaca ka qaaday inay gubtay labo gaari oo nooca gaashaaman ah oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM oo ku aadan weerarkaas qaraxyada loo adeegsaday.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliya wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar oo ka wada tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.