Midowga Yurub oo ku hanjabay inuu tallabo ka qaadayo madaxda Soomaalida

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa war saxaafadeed uu goor dhaw soo saaray waxa uga hadlay khilaafka doorasho ee ka taagan Soomaaliya ee u dhaxeeyao madaxda Dolwadda Federalka iyo qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada.

Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell ayaa si kulul uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ku sugantahay.

Borrell ayaa madaxda Soomaalida u sheegay in loo baahanyahay hanaan doorasho oo hufan in lagu qabto sida ugu dhaqsiyaha badan. si xukunka la isugu wareejiyo hab nabdoon iyadoo la raacayo hergelinta heshiiskii doorasho ee 17-September.

“Heshiis la’aanta hadda taagan waxey dib u dhigeysaa xawaraaha is-beddella deg degga loogu baahan yahay, taasi oo dhaawaceysa muwaadiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub.

Dhanka kale waxa uu si adag ula hadlay hogaamiyeyaasha Soomaalida isagoo uga baaqay iney ka fogaadaan danta shaqsiyadeed, waxaana uu intaa ku daray kuwa diidan wadahallada ee ka shaqeynayana rasbhado ama dib u dhac in laga qaadi doono tallaabo ku haboon islamarkaana ay la kulmi doonaan caawiqabta ficilladooda.

“Marka mudnaanta shaqsiyadeed ay ka sarreyso danta guud ee dalka, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ayaa ceebeynaya naftooda si ay u metelaan muwaadiniintooda, kuwa wax u dhimaya wada hadalka ama ka shaqeynaya rabshadaha  waxaa laga qaadi doonaa tallab ku haboon waxeyna wajihi doonaan caawqibta waxa ay sameeyeen,” ayuu yiri Mr Josep.

Ugu dambeyntii waxa uu  u sheegay madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iney ilaaliyaan sharafta mas’uulyadda ay u hayaan umadda Soomaaliyeed islamarkana ay si deg deg ah ku qabtaan doorashooyinka madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaan.

“Ma ogolin doorashooyin isbarbar socda, mid hal dhinac ah iyo mid aan loo dhameyn mana heli doonto taageeradeena,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Josep Borrell.

Waxaa marba marka ka sii dambeysa sii kordhaya cadaadiska Beesha Caalamka ay saareyso madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iyadoo ay xusid mudantahay in shirka uu Afisiyooni ka furmay balse ay ka maqan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo lagu casuumay kuwaa oo wata shuruudo dhowr ah islamarkana ku mideysan Madasha Badbaado Qaran oo maanta shir uga furmay Hotel ku yaala xerada Xalane.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim
Abdiazizh99@gmail.com
Xigasho: eeas.europa.eu
Muqdisho-Somalia