Ciidamo milateri ah oo ku qaraabanayey magaca Daacish oo lagu qabtay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Rag hubeysan ku lebisan ciidamada dowladda oo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamada milteriga ayaa lagu qabtay degaanka Garasbaaley ee magaalada Muqdisho iyadoo ku qaraabanayey magaca Daacish oo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen raggab oo ka koobnaa laba nin, kuwaasoo dhibaato ku hayey shacabka ku dhaqan degaankaasi, iyagoo sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen

Raggan ayaa la sheegay inay rasaaseeyeen Guryo la degan yahay, isla markaana ay joojiyeen Dhismooyin ka socday degaankaasi, markii ciidamada ay gacanta ku dhigeen ayaa la ogaday inay ka tirsanaayeen ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada labaad.

Waa dhacdadii ugu horeysay ee nooceeda ah oo lagu arko magaalada Muqdisho in ciidamo ka tirsan milateriga ay sheegtaan Daacish isla markaana lacago baad ah uga qaateen dadka ama ku dhibaateeyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com