XOG: Xasan oo xil kii hore ka dhaqaale badan u magacaabaya C/karin Guuleed

Muqdisho(Caasimada Online) – Xilli C/kariin Xuseen Guuleed uu ku fashilmay in uu hogaanka u qabto Maamulka lagu wado in loo dhiso Gobolada Dhexe, ayaa waxay taasi keentay inay dib isugu laabtaan saaxiibadiis hogaanka u haaya Dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa La taliyahiisa dhinaca Siyaasaada u magacaabay C/kariin Xuseen Guuleed, daba-yaaqadii bishii June, inkastoo uu xilkaasi u muuqdo mid aanu dhaqaalo badan ka soo galeen C/kariin.

Guuleed oo hadda booqasho ku joogga dalka Turkiga, ayaa waxa uu u jooggaa qiimeen uu ku sameynaayo Safaarada Soomaalidu ku lee dahay, iyadoo uu dersaayo dhaqaalaha ka soo xarooda iyo inta uu le’eg yahay.

Sida uu qorshuhu yahay, haddii C/kariin uu garowsado in dhaqaalo ku haboon ka soo xaroodo Safaarada, ayaa waxaa markaasi loo magacaabi doonaa Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Turkiga.

Ilo muhiim ah oo lagu kalsoonaan karo, ayaa ssheegay in Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka uu markaan xusul-duub ugu jiro in loo magacaabo Safiirka Soomaaliya ee Turkiga.

Ragga ku dhow dhow Wasiirkii Amniga ee is casilay, ayaa kuu sheegaaya in uu xaqiiqsaday in dhaqaalo u khalma aanu ka helayn, in uu sii ahaado La Taliyaha Madaxweynaha Somaliya ee Siyaasada.

Guuleed oo ka baxay albaabka Siyaasada Soomaaliya, markii uu is casilay 24-kii bishii May, ayaa waxaad mooddaa inuu xilligaan Siyaasada ka soo gelaayo daaqada.

Isha: Dhacdo.com