YUUSUF GARAAD oo xil ay ka muuqato hanyari siyaasadeed ka aqbalay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Tifaftirihii hore ee laanta Af-soomaaliga ee BBc-da Yuusuf Garaad Cumar, ayaa xil ka helay aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia, ayada oo madaxweyne Xasan uu dhowaan xilkaasi shaacin doono.

Yuusuf Garaad Cumar oo xilka Madaxweynenimada Somalia u tartamay ayaa quud dareeyn dheer kadib wuxuu Madaxweyne Xasan ka aqbalay in loo magacaabo Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada, sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen Caasimada Online.

Yuusuf Garaad Cumar, oo horey u sheegay inuu dhowr mar wasiir weydiistay madaxweynaha Somalia, qudhiisana uu tartmaya madaxweynenimo, ayaa waxa uu xilkan ka dhigayaa mid muujinaya in hamigiisii siyaadeed uu hoos u dhacay.

Xilka madaxa warfaafinta ee Villa Somalia, ayaa ah mid magac u yaal ah, oo aan shaqo badan lahayn, maadaama uusan raacsaneyn afhayeenka madaxtooyada.

Waxaa macquul ah in Taageerayaasha Yusuf Garaad ay aad uga caroodaan hanyaridiisa siyaasadeed, laakiin Caasimada Online waxay xaqiijineysaa inuu aqbalay xilka madaxa warfaafinta madaxtooyada.

Yuusuf Garaad, ayaa muddo mucaarad ku ahaa madaxweynaha, isaga oo faallooyin iyo hadallo dadba si aad ah ugu weerari jiray Xasan Sheekh.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com