Cudur la garan la’yahay oo ka dilaacay gobolka Shabeelaha Dhexe iyo dad u dhintay

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in cudur aan weli la aqoonsan uu fara kulul ku hayo gobolkaasi.

Cudurkan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay uu ka dilaacay tuulooyin hoos yimaada deegaanka Gamboole ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa Cudurkaasi u dhintay illaa 7 Qof oo isugu jira Rag iyo Dumar, halka ay haatan la’il daran yihiin 12 kale.

Dadka uu soo ritay xanuunkan oo aad uu liita ayaaa loo soo qaaday gudaha magaalada Muqdisho oo haatan lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dadka dhintay iyo kuwa haatan xanuunsan ayaa ah kuwa Ehel ah.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Cudurka uu leeyahay Qandho fara badan, islamarkaana uusan weligiis arag.

“Waa xanuun aad u Qandho badan oo qofka ku ridayo tabar yari, kadibna uu dhimanayo.” ayuu intaasi raaciyey.

Ugu damgbeyn wuxuu ugu baaqay maamulka HirShabelle iyo dowladda dhexe ee federaalka in loo soo gurmado, si looga hortago Cudurkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
caasimada@live.com