Dowladda UK oo culeys lagu saarayo inay aqoonsato maamulka Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inuu sii kordhayo culayska dowladda UK lagu saarayo sidii ay u aqoonsan laheyd Somaliland, xili uu dhowaan golaha deegaanka Birmingham uu ku dhawaaqay inuu Somaliland u aqoonsaday dal madax banaan.

Shabakadda MediaMax Network, ayaa waxay xaqiijisay in xildhibaanno ka soo jeeda xisbiyada waaweyn ee UK ay warqad wadajir ah u qoreen Raysul Wasaraha UK Mrs. Theresa May iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mr. Jeremy Hunt, taasi oo ay ku boorinayeen inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax bannaan.

Shabakada ayaa waxa kale oo ay sheegtay in Somaliland oo hore u ahaan jirtay mustacmarad Ingiriisku xukumi jiray ay xoriyaddeedii kala soo noqotay Soomaaliya 1991kii, iyadoo 28-kii sannadood ee la soo dhaafay ay maamulayeen dawladdo la soo doortay oo baadi-goob ugu jiray sidii ay u heli lahaayen ictiraaf caalamiya.

Sidoo kale waxay ka dhawaajisey in Wakiilka Somaliland ee UK, Ayaan Maxamuud Cashuur inay si weyn u amaantay Golaha Deegaanka Birmingham, isla markaana si shucuur leh ugu mahad-celisay Golaha.

Shabakada ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi uu isaguna si weyn ugu mahad-celiyey Golaha deegaanka magaalada Birmingham, isagoona talabadaasi ku sifeeyay Madaxweynuhu mid geesinimo leh oo uu Golahu qaaday, taasi oo sii dhiirigelineysa qadiyada aqoonsi raadiska Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa