Rasaas wali laga maqlaayo Kismaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Kismaayuo (Caasimadda Online) – Rasaas ayaa wali ka socota Hoteelka Cascasey ee Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Ku dhawaad 12 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Qaraxa iyo Weerarka lagu qaaday Hoteelka, waxaana wali dagaal ka socdaa Gudaha Hoteelka.

Madaxda maamulka Jubbaland qaarkood ayaa sheegay in wali uu socdo howlgalka, islamarkaana Saacaddaha soo socda lasoo Afjari doono.

Ciddamada ammaanka Jubbaland ayaa weerarka ka jawaabaya, waxaana la sheegaya in uu dagaal dhex marayo kooxihii weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka.

Wararka ayaa sheegayo in weerarka lasoo afgaray balse weli ma jirto cid si rasmi ah u xaqiijisay.

Weerarkaan ayaa noqday midkii ugu horreeyey oo noociisa ah oo Kismaayo ka dhacay tan iyo markii uu madaxweyne  Jubbaland ka noqday Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com