Axmed Madoobe oo shaaciyey dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo iyo ajaanib ku jirto

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah Ajaanib u kala dhashay dalalka kala ah;

Kenyan 3 qof.

Canadian 1 qof.

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

China 2 qof, dhaawac

Inta kale waa dad Soomaali ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland.

Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Ragga Hotelka weeraray ay afar ahaayeen qaarkoodna is qarxiyeen halka mid kale nolosha ay ku qabteen Ciidanka Amniga Jubaland sida uu yiri.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com