Go’aankii imaaraadka Carabta ee Yemen oo rajo xumo ku abuuray Dowladda Sacuudiga

Riyadh (Caasimadda Online) – Wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegay inay dowladda Sacuudiga soo wajahday rajo xumo aad u weyn oo ku aadan tallaabadii ay Dowladda Imaaraadka Carabta qaar ka tirsan ciidamadeeda ugala baxday dalka Yeman.

Wargeyskaan ayaa qoray  inay dowladda Sacuudiga cabsi weyn soo wajahday kadib go’aankii imaaraadka Carabta, waxayna Sacuudiga isku dayday inay Imaaraadka ku qanciso inay kasii mid ahaato duulaanka lagu qaaday dalka Yeman.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si hoose qaar ka tirsan ciidamadeeda ugala baxday dalka Yemen, wuxuuna wargeyska sababta aan loo shaacin ku sheegay inay tahay Imaaraadka oo ka cabsanayo inuu xumaado xiriirka kala dhaxeeyo Sacuudiga.

Wargeyska oo arrintaan wax ka waydiiyey Mas’uul ka tirsan Safaaradda Sacuudiga ee Washington ayaa ka gaabsaday , wuxuuna kaliya sheegay in Sacuudiga iyo Imaaraadka ay heshiis ku yihiin Istaraatijiyad ahaan ahdaafta laga leeyahay dagaalka Yeman.

Isniintii lasoo dhaafay Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in sababta ay ciidamadeeda ka joogay Yemen u yariisay ay tahay inay istaraatiijiyadeedii Militari u badaleyso mid nabadeed.

Warbaahinta Caalamka ayaa maalmihii ugu dambeeyey tabinayey warbixino ku saabsan inay Imaaraadka Carabta kala baxday inta badan ciidamadeeda howlgalka Militari oo ay Xulafada Sacuudiga ku qaadeen Yemen si loola dagaalamo Xuutiyiinta.

Dowladda Imaaraadka ayaa asbuucyo ka hor la baxday inta badan Ciidamadii, Taangiyadii iyo diyaaradihii dagaalka ee ka joogay Yeman gaar ahaan Xeebta u dhow Dekadda Al Hudaydah.

Tallaabada ay Imaaraadka qaaday ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay cabsi ay ka qabto inay bartilmaameedka koowaad u noqoto Iiraan oo dagaal siyaasadeed oo laga yaabo inuu isku badalo gacan ka hadal kala dhaxeeyo dowladda Mareykanka.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa khasaaro xoog leh kala kulantay duulaanka lagu qaaday Yeman, waxaana halkaas kaga dhintay ciidamo badan sidoo kalana waxay ku weysay hanti badan iyo sumcadii ay adduunka ku laheyd sida uu sheegay Wargeyska New York Times.

Wararkii ugu dambeeyey Weerarka Kismaayo halkaan ka daawo

Caasimada Online
Xafiiska Riyadh
Caasimada@live.com