R/W Cumar Cabdirashiid oo isaga tagay Garowe

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa magaalada Garoowe ayaa maanta tagay magaalada Qarsho halkaasi oo ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa soo dhaweyn ay kala kulmeen.

Safarka ra’iisul wasaaraha ma jirto masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ku wehlisa safarka magaalada Qardho marka laga reebo saraakiisha dhanka amaanka ee sugaya amaanka wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Cumar C/rashiid ayaa magaalada Qardho kula kulmaya boqorka beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf, halkaasi oo balanqaad uu ka helay.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka magaalada Qardho, waxaana wafdiga ra’iisul wasaaraha la sheegayaa in caawa ay ku hoyon doonaan magaalada.

Waxaa sidoo kale wafdiga ra’iisul wasaaraha ay dib ugu laaban doonaan magaalada Garoowe halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ay kaga qeyb galeen shirka looga hadlayo khilaafka maamul goboleed iyo dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Garowe
Caasimada@live.com