Afhayeenka odayaasha K/G oo baaq soo saaray kadib go’aankii Laftagareen + Video

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta odayaasha dhaqanka deegaanada K/Galbeed ku wareejiyey 20 askari oo lagu qabtay dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba.

Askartaan ayaa lagu qabtay dagaalkii 23-kii bishii hore ka dhacay guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti, kuwaas oo xabsi ku jiray wixii ka dambeeyey maalintii lagu qabtay dagaalka.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub ayaa ka mid ah odayaashii maanta lagu wareejiyey ciidanka laga sii daayey xabsiga, wuxuuna la hadlay warbaahinta, isagoo sheegay in Madxaweyne Xasan Sheekh oo Baydhaba ku sugan uu dadaal badan geliyey in lasii daayo ciidankaan.

“Dhalinyaradii dagaalka lagu qabtay ayaa maanta la igu wareejiyey, waa 20 maxbuus, madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dadaal badan ku bixiyey sii deynta raggaan, marka maanta ayey noo soo gabagabowday arrintaan,” ayuu yiri Malaaq Deerow Yacquub.

Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed wuxuu warbaahinta tusay warqad cafis ah oo Madaxweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen laga soo qoray, si ciidankaan ay nabad geliyo ugu joogaan gudaha magaalada.

“Shacabka reer K/Galbeed waxaan u sheegayaa in wadadii nabadda aan qaadnay, in ciidankaan la siiyo xoriyadooda ayaa ka mid aheyd waxyaabaha nagu adkaaday, marka inta hartay waan xalineynaa maalmaha soo socda ee dhibaato dambe yaan la abuurin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeenka odayaasha dhaqanka K/Galbeed Malaaq Deerow Yacquub.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Baydhaba ku sugan maalintii 7-aad, waxaana halkaas ka socda shir dib u heshiisiin ah oo la isugu keenay siyaasyiinta reer K/Galbeed, si meesha looga saaro murankii ka dhashay doorashada ee gacan ka hadalka sababay.

Qodobada ugu horeeyey ee ajendaha shirka ku jiray waxaa ka mid aheyd in xal laga gaaro khasaarihii ka dhashay dagaalkii ciidanka taageersan mucaaradka iyo kuwii ka amar qaadanayey Laftagareen ku dhex maray gudaha Baydhaba, taas oo sababtay in maanta lasii daayo ciidankii lagu qabtay dagaalkaas.

Shirka dib u heshiisiinta ah ee Baydhaba ka socda oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo maalmaha soo socda ayaa laga soo saari doonaa bayaan, kadib markii laga heshiiyo goorta ay dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaas iyo waxyaabaha kale ee la isku hayo.

Hoos ka daawo