Daawo: Al-Shabaab oo guul weyn ka sheegtay dagaalkii Liyuu Boolis soona bandhigay Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadashay weerarkii ay ku qaaday degmooyinka Yeed iyo Caato ee dhaca xaduudka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaasi oo guul weyn ay ka sheegatay.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa goordhoweyd faafiyey sawirada weeraradaas oo ay sheegtay inay dagaal-yahaanadooda xasuuq ba’an ku gaarsiiyeen ciidamada Liyuu Booliska ee ku sugna xeryaha ciidamada ee deegaanadaas.

Sidoo kale waxay sheegeen in weeraradaas ay ku dileen in ka badan 87 askari oo Itoobiyaan ah, ayna sidoo kale ku soo furteen hub, gaadiid iyo saanado ciidan.

“Ciidamadeenu waxay dul tageen meydadka ugu yaraan 87 askari oo kamid ahaa maleeshiyaatka lagu xasuuqay weeraradii lagu qaaday xeryaha Yeed iyo Aato, waxaana suuragal ah in khasaaruhu sii kordho,” ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo u waramay warbaahintooda.

Sidoo kale waxay soo bandhigeen maxaabiis ay nolosha kusoo qabteen, intii ay dagaaladu socdeen, sida ay sheegteen.

Inkasta oo deegaanada uu dagaalku ka dhacay yihiin dhul Soomaaliyeed oo ka tirsan deegaanada gobolka Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa hadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waa magaalooyin istaraatiiji ah oo ku teedsan xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Hoos ka daawo sawirrada