Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo shaaciyay waqtiga uu xilka ka degayo

Jabuuti (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii u horeysay shaaciyay in uu ka dagayo xilka u sareeya dalkaas, kadib muddo 23 sano ah oo uu xukumayay dalka Jabuuti.

Madaxweyne Geelle oo wareysi gaar ah siiyay idaacada BBC-da ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu xilka wareejiyo sanadka 2026-ka oo ku beegan marka uu dhamaado muddo xileedkiisa hadda u socda.

Arrintaan ayaa ka dhigan in Ismaaciil Cumar Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso.

Sidoo kale waxa uu sheegay inta uu joogay xilka u sareeya in waddankiisa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna uu ku noqday marinkeeda cusub.

Wareysiga ayuu sidoo kale waxa looga weydiiyay sida uu u arko dadka u badan dibad jooga ee baraha bulshada soo dhigaya baaqyada ay ugu jeedinayaan in uu xilka iska casilo, maadaama ay ku eedeeyeen in uusan shacabkiisa u qabanin wax ku filan.

“Haddii aad dibad joog tahay micnaheeda ma aha inaad mucaarad noqoto. Haddii aadan rabin inaad ka shaqeyso gudaha dalkeenna micnaheeda ma aha inay fasax kuu tahay inaad abuurato sheekooyin aan jirin,” ayuu yiri.

Madaxweyne Geelle oo muddo badan ka talinayay dalka Jabuuti ayaa lagu eedeeya in maamulkiisa uu yahay mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.

Si kastaba, go’aanka cusub ee uu shaaciyay Geelle ayaa soo afmeeraya 2026-ka sanado badan oo doorashada dalkaas si xor ah loogu tartamin, inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn qorshaha xiga ee uu damacsan yahay Geelle.