Daawo: Cali Guudlaawe oo go’aan kasoo saaray doorashada HirShabeelle, farriin culusna diray

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas, kadib muddo uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Cali Guudlaawe oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in go’aanka uu yahay in doorashada maamulka Hir-Shabeelle ay waqtigeeda ku dhici doonto, isagoo ugu baaqay cid kasta oo tabasho qabta inay timaado Jowhar.

“Sidaad ogtihiinba waqtigii afata sano ahaa ee Hir-Shabeelle waa gaba-gabo, qaabkii Hir-Shabeelle cusub loo aas-aasi lahaa ayaan ugu maqnaa Muqdisho,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Waxa uu sheegay in intii uu joogay Muqdisho inuu la-tashiyo kala duwan la sameeyay dhinacyada kala ah, dowladda federaalka, siyaasiyiinta reer Hir-shabeelle iyo duubabka dhaqanka, isla markaana ay isla qaateen inay ‘lagama maarmaan tahay in Hir-Shabeelle cusub sida ugu dhaqsaha badan loo dhiso.

“Dhammaan dhinacyadaas waxaan isla qaadanay in Hir-Shabeelle la dhiso, waqtigeeda lagu dhiso, dastuurkeedana lagu dhiso,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Guudlaawe madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle, afarta sano ee soo socota, arrintaasna waxaa si adag uga soo hor jeestay beesha Xawaadle.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in markii la aas-aasaayey Hir-Shabeelle afar sano ka hor lagu heshiiyay in madaxweynaha maamulkaas uu mar kasta ka yimaado beeshooda, isla markaana ay caasimadda qaadato beesha Abgaal oo ay Jowhar ahaato.

Madaxda dowladda federaalka ayaa la aaminsanyahay inuu taageero ka helaayo Cali Guudlaawe, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle lagu qanciyay inay Jowhar tagaan oo wax ka bilaabaan dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle.

Hoos ka Daawo Cali Guudlaawe