Siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh beesha Xawaadle oo la saftay Cali Guudlaawe

Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi ay qeyb ka ahaayeen laba ka mid ah guddoomiyeyaashii soo maray gobolka Hiiraan oo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle uu hoggaaminayey ayaa maanta ka degay magaalada Jowhar, halkaas oo maalmaha soo socda lagu qado inuu ka bilaawdo dhismaha Hir-Shabeelle cusub.

Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) iyo Cabdifitaax Xasan Afrax oo labaduba guddoomiyeyaal kasoo noqday gobolka Hiiraan, isla markaana ka soo wada jeeda beesha Xawaadle ayaa Cali Guudlaawe maanta la tegay magaalada Jowhar.

Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax ayaa labaduba la hadlay warbaahinta, waxayna sheegeen in Jowhar u tageen ka qeyb qaadashada dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle, iyagoo eedeyn u jeediyeen siyaasiyiinta saluusan sida haatan loo wajahayo dhismaha maamulkaas.

“Anagu odayaasha hadda waxa dhisi raba ayaan ka mid nahay, shalay markii maamulkaan la dhisaayey wuu toosnaa, maanta sida howshu ku socoto wey toosantahay, marka dadkii shalay qeylinaayey, maantana qeylinaaya, waa qof dan-leh oo siyaasi ah oo isagu kursiga raba,” ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Guddoomiye Dabageed ayaa siyaasiyiintaas ugu baaqay inay kuraasta Hir-Shabeelle u soo doontaan Jowhar. “Anaga hadda waan soo doonanay nasiibkeenna ayaana ka qaadaneynaa,” ayuu yiri.

Dhankiisa guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax oo qeyb ka ahaa wafdiga Cali Guudlaawe ayaa yiri, “Siyaasiga walwalku haayo ee aan isku kalsooneyn, waan leenahay isku kalsoonaaw, oo imaaw Jowhar, kana qeyb qaado dhismaha maamulka.”

Waxa uu sheegay in bisha soo socota ay dhalan doono iyadoo la dhisay Hir-Shabeelle cusub, isla markaana aysan dadka reer Hir-Shabeelle ku niyad-jebi doonin hadallada ka soo yeeraya siyaasiyiinta qaar, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Guudlaawe ayaa la sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Hir-Shabeelle, afarta sano ee soo socota, arrintaasna waxaa si adag uga soo hor jeestay beesha Xawaadle.

Beesha Xawaadle ayaa ku doodeysa in markii la aas-aasaayey Hir-Shabeelle afar sano ka hor lagu heshiiyay in madaxweynaha maamulkaas uu mar kasta ka yimaado beeshooda, isla markaana ay caasimadda qaadato beesha Abgaal oo ay Jowhar ahaato.

Madaxda dowladda federaalka ayaa la aaminsanyahay inuu taageero ka helaayo Cali Guudlaawe, waxaana qaar ka mid ah siyaasiyiinta beesha Xawaadle oo ay ku jiraan Yuusuf Dabageed iyo Cabdifitaax lagu qanciyay inay Jowhar tagaan oo wax ka bilaabaan dhismaha maamulka cusub ee Hir-Shabeelle.

Hoos ka Daawo