Daawo: Ciidamada Jubaland ‘oo dhibaato xooggan ka gaystay’ deegaan ay tageen

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose, gaar ahaan degaan lagu magacaabo Qudus ayaa sheegaya in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay ka geysteen dhibaatooyin ka dhan ah shacabka deegaankaas.

Odayaasha dhaqanka ee tuulada Qudus oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay tuuladaas gubeen, sidoo kale ay ka geysteen dhimasho, dhaawacyo iyo burbur hanti dadweyne.

“Waxaan ka cabaneynaa dhibkii nagu dhacay, dad iyo duunyo ayey tuuladaan ku laayeen ciidamada Jubbaland, naf iyo maal wax noo ceynta malaha, gaadiid, guryo iyo duunyo ayaa la gubay,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii warbaahinta la hadlay.

Odayaashaan ayaa dalbaday in gargaar loo fidiyo dadka ay Tuulada Qudus ku dhibaateeyeen ciidamada Jubbaland oo aysan garaneyn sababta ka dambeysay inay sidaas ula dhaqmaan.

Waxay sheegeen in tuulada aysan horay u joojin wax ciidan ah, isla markaana ay soo weerareen ciidamada Jubbaland oo ka geystay gabood fallo aan loo meel deyin, sida ay sheegeen odayaashii hadlay.

“Ciidamadaas waxay ka soo gudbeen dhowr deegaan oo aysan waxaba ka geysan, laakiin waxay weerareen tuulada Qudus oo cid hubeysan aysan joogin, dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti ayey geysteen, waxaan ka canabeynaa ciidanka Jubbaland,” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo