Muuse Biixi oo xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid ah golaha wasiirada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa  wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis iyo magacaabid ugu  sameeyey qaar ka mida ah golaha Wasiirada Somaliland, waxaana ay ku dhigneyd sidatan.

Wareegtada ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliland ayaa qorneed sida tan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-880/062022 iyo JSL/XM/WM/222-881/062022 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

  1. Ku: Cumar Cali Cabdillaahi; Wasiirkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  2. Ku: Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac; Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
  3. Ku: Cabdiraxmaan Cali Cabdi; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
  4. Ku: Axmed Xasan Nuur; Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
  5. Ku: Saleebaan Cawad Cali Bukhaari; Guddoomiyihii Hay’ada Caymiska Qaranka
  6. Ku: Sahra Aadan Yuusuf; Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’ada Caymiska Qaranka.
  7. Ku: Cabdiwaasac Maxamed Yuusuf; Guddoomiye Ku-xigeenkii Hay’adda Dhawrista Tayada.
  8. Ku: Axmed Abokor Maxamed; Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.

Marwo iyo Mudanayaal, Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.