Muxuu R/W Xamza ka yiri khilaaf dhex-mara isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo shalay helay kalsoonida baarlamaanka ayaa la weydiiyey sida loo maarey doono hadii ay is khilaafaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamse oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay inay is khilaafi karaan isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, balse kalsooni badan uu ku qabo in khilaafkaas uusan gaari doonin heer dowladnimada Soomaaliya ay wax uga halaabaan.

“Bini’aadan ayaan nahay waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan rajeynayaa in meel xun aysan gaarin oo ay caqabad ku noqoto dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Wuxuu carabka ku adkeeyey in khilaaf soo kala dhex galaya isaga iyo madaxweyaha uusan meel xun gaari doonin, “Waxaan hubaa inaan heleyno farsamo aan ku xalisano arrimaheena iysadoo aan nala dhex gelin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xiriirka xukuumadiisu ay la yeela doonto dowlad goboleedyada, isagoo balan qaaday in wax kasta wadatashi iyo isla ogol lagu gaari doono.

“Waxaan wadanaa mabda’ la yiraahdo Soomaali heshiis ah, marka Soomaali waaba heshiise, waxa la doonayo inay heshiis ahaadaan waa siyaasiyiinta, waxaana ugu horeeya madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan ka shaqey doonaa in wax khilaaf ah uusan dhicin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.