Daawo: Deni oo weerar ku qaaday gudoomiye Mursal

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid C/llaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in guddoomiye Mursal yiraahdo wax shaqo ah kuma laha golaha Aqalka sare kamana hadli karaan sharciga doorashada.

“Waxaa la yaab leh in guddoonka baarlamaanka federaalka uu si cad u yiraahdo shaqada ku saabsan arrimaha doorashooyinka aqalka sare waxba kuma leh, anaga ixsaan u sameyn jirnay u yeeri jirnay, waa hadal duuban oo jiro, waxaan ka xumahay guddoomiye Mursal oo saaxiibkey ah, fahamka noocaasi ah in maskaxdiisa ku jirto iyo in dad kale leeyahay garan maayo,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wuxuu sheegay in baarlamaanka Somalia inuu yahay labo aqal oo is kor joogteynaayo, kuwaasoo xeerarka marka la ansixiyo aqalka hoose uu u gudbiyo aqalka sare, isagoo carabka ku dhuftay in dhaqankaasi inay ka arkeen madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Saciid Deni ayaa soo hadal qaaday tallaabadii uu guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ugu soo dhex muuqan waayay munaasabadihii lagu xusayay maalmaha xorriyada, isagoo sheegay in lagu casuumi waayay Cabdi Xaashi, tallaabadaasi oo uu sheegay inay abuureyso  arrin aan wanaagsan oo bulshada Soomaaliyeed ku abuuri karto kalsooni daro.

Wuxuu ugu baaqay in tallaabooyinka la qaadayo ay mas’uuliyiinta ka fiirsadaan hadii khalad uu ka dhex dhacana ay ka towbad keenaan oo kasoo laabtaan.