Maxkamadda G/Banaadir oo dib u dhigtay dacwadda wariye Cabdicasiis Gurbiye

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta dib u dhigtay dhageysiga dacwadda loo heysto Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tafaftiraha guud ee Goobjoog FM, kadib markii saaka la horgeeyey maxkamaddaasi.

Sida uu sheegay qareenka difaacayey eedeysanaha waxa ay is-shortaag sharci ah ku sameeyeen maxkameynta wariyahaas, iyaga sabab uga dhigay in aan loo adeegsan karin xeerka ciqaabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale qareenka u doodaya Cabdicasiis Gurbiye ayaa tilmaamay inay ka war-sugayaan go’aanka ay gaari doonto maxkamadda gobolka Banaadir, isaga oo tilmaamay inuu noqon doonto inuu halkaas kiiska uu ku soo dhamaado ama in la sii wado.

Kiiiska Wariyahan ayaa 2 bil soo socday, isaga oo xabsiga la dhigay 14-kii Bishii April ee sanadkan 2020-ka, kadib markii ay soo eedeysay Villa Soomaaliya.

Wariye Gurbiye ayaa waxaa loo heystaa warbixin xasaasi ah oo ka qoray dowladda Soomaaliya sida ay u maareysay cudurka Covid-19, gaar ahaan qoraal uu ka sameeyey madaxweynaa Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Dib u dhigista kiiskan ayaa ku soo aadaya, iyada oo warbixin ka soo baxday hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch oo looga hadlay xoriyadda hadalka Soomaaliya looga dalbaday DF inay u turaan dacwadaha loo heysto Wariye Gurbiye.