Daawo: Dood qabiil oo ka dhex qaraxday Aqalka Sare iyo maqaamka Muqdisho oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii shalay ee senatorrada golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaa looga dooday dhismaha guddiyada golaha, iyadoo xubnaha golahaas oo intooda badan hadlay ay u kala qeybsameen labo garab.

Senatorrada qaar ayaa ku dooday in guddiyada loo qeybsado hanaan qabiil, halka xubnaha qaarna ay ku doodeen in qof kasta lagu qoro guddiga ka shaqeynaya howlaha uu xirfadooda leeyahay oo dhismaha guddiyada lagu saleeyo aqoon.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo shir guddoon ahaa ayaa ka hadlay qaab dhismeedka guddiyada golaha, isagoo soo hadal qaaday maqaamka magaalada Muqdisho ay ku leedahay golaha uu hoggaamiyo.

“Ka guddoon ahaan waxaan qorsheynay in la dhiso sideed guddi, laakiin sida aan qorsheynay waxbaa iska bedeli doona, sababtoo ah xubnaha golahaan oo ah 54 senator, waxaa ka maqan metelaadii gobolka Banaadir oo muhiim ah,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in labada aqal ee baarlamaanka ay caasimaadda Muqdisho metelaad ku yeelato, isagoo soo qaatay qodobka 9-aad ee dastuurka oo ka hadlaya maqaamka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo sharaxaad ka bixiyey qaab dhismeedka qorsheysan ee guddiyada golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in markii 54-ka xubnood ee golahaas laga reebo 5-xubnood oo ka mid noqonaya guddiga dastuurka, 2 hab-dhowre iyo 3-da guddoonka ah, 44-ka xubnood ee soo harta loo kala saari doono 8-guddi.

“Waxaa kaloo jira fikir ah, in dowlad goboleed kasta uu guddi kasta xubin ku yeesho, si dowlad goboleed guddi ka maqan uusan u jirin, laakiin waxaan ka yaabanahay in guddiyada qaar loo kala cararayo, qaarna laga kala cararo, taasina waxay keentay in anagu aan u fariisano dhismaha guddiyada, anaga oo dowlad goboleed kasta metelaad ka siineyna,” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Qaar ka mid ah senatorrada ayaa doodo adag la soo istaagay kulankaan oo ay soo xaadireen 48 senator, waxayna xubnaha qaar ku doodeen in guddiyo aysan dooran ka mid noqashadooda aan lagu dari karin, halka dooda ugu adag ay salka ku heysay in aqoon lagu xulo guddiyada iyo in qabiil lagu xulo.

Hoos ka daawo