Daawo Filim yar oo ka turjumayo loolanka Kheyre iyo Jawaari iyo sida la isku qiyaanayo

Muqdisho (Caasimadda Online) – Siyaasadda Soomaaliya ayaa hadda mareyso meel aad xasaasi u ah, waxaana loolan adag ka dhaxeeyaa Guddoomiye Jawaari iyo Ra’isulwasaare Kheyre.

Marka ay sheekada halkaas mareyso waxaan soo qaadaneynaa qeyb yar oo kamid ah filimka Nayak oo u muuqdo inuu yahay mid ka turjumayo siyaasadda hadda ka jirto Soomaaliya, gaar ahaan loolanka u dhaxeeyo Ra’isulwasaare Kheyre oo Siyaasadda hal sano ku jiro iyo Jawaari oo muddo badan kusoo jiray.

Marka laga cabir qaato qeybtaan yar ee ka tirsan Filimkaas, waxaa muuqato in Qiyaano weyn lagu sameeyey Jawaari oo isaga muddo badan kusoo jiray siyaasadda.

Haddi ay wax kasta u socdaan sida Filimkaan oo kale, waxaa muuqato inuu Kheyre yahay nin siyaasadda ku cusub balse qiyaano weyn ku maray Jawaari.

Haddaba Halkaan hoose ka daawo Muuqaalkaas kadibna saadaali sida ay sheekada u socoto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com