Khilaafka Xukuumada iyo BFS oo sababay shaqo la’aan soo foodsaarta Xafiisyada DFS

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno dhanka xafiisyada dowlada Federaalka ayaa sheegaya in Khilaafka ka dhex aloosan xukuumada iyo baarlamaanka Somalia uu saameyn ku yeeshay shaqooyinka ka socday xafiisyada.

Khilaafka ayaa la sheegayaa inuu saameeyay Xafiisyada qaar, gaar ahaan kuwa Xukuumada iyo baarlamaanka, sababo la xiriira mas’uuliyiinta xafiisyada oo isku bedelay dalaal u dhexeeya labada dhinac.

Hakadka ku yimid shaqooyinka ka socday Xafiisyada gaar ahaan kuwa Xukuumadda iyo Baarlamaanka, ayaa ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira Xukuumada iyo Baarlamaanka Golaha Shacabka.

Dhinacyada uu khilaafka u dhexeeyo ayaa sheegay inaanu wanaagsaneen inuu sii socdo khilaafka sii butaacaya, hase ahaatee waxaan jirin dhex dhexaadiyaal wanaagsan.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa tilmaamay in khilaafka jira uu saameyn xoogan ku yeeshay Hay’adihii Dowladda.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta ku howlanaa shaqooyinkooda ay usoo bateen dhanka khilaafka si ay u dhex dhexaadiyaan khilaafka.

Sidoo kale, waxa uu ku taliyay in lasoo afmeero khilaafka taagan, isagoo sheegay inay ka dhalankato dhibaatooyin badan oo hakat galinkara shaqooyinka dowlada.

Si kastaba ha ahaatee, khilaaf waliba oo ka dhex dhacaa madaxda ugu sareysa dalka, ayaa saameyn weyn ku yeesha xafiisyada dowlada, sababo la xiriira mas’uuliyiinta oo aan kala garaneynin shaqooyinkooda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com