Jawaari oo weerar toosa ku qaaday Golaha Wasiirada Xukuumada Kheyre

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in Wasiirada ka tirsan Xukuumadda Somalia ay gabeen shaqooyinkii loo igmaday.

Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in Wasiirada aysan ka howgelin xafiisyadooda oo ay ku mashquuleen Mooshinka, sidoo kalena xildhibaanada qaarkood ay ku howlan yihiin sidii loo xalin lahaa xiisada taagan.

Waxa uu Guddoomiye Jawaari carab dhabay in halkaa ay ka muuqaneyso mas’uuliyad daro ka jirta dhanka shaqooyinka, waxa uuna ku taliyay in Wasiirada ay qabsadaan howlahooda.

Waxa uu carab dhabay in Mooshinka daba dheeraaday uu keenay in Wasiir waliba uu dayaco shaqadiisa, isla markaana wakhtiga ku lumiyeen goobaha lagu xalinaayo Mooshinka.

Guddoomiye Jawaari ayaa Wasiirada ka codsaday in ay shaqooyinkooda ku laabtaan, sidoo kale xildhibaanada ayuu ka dalbaday in ay arrintan ka howlgalaan, sida uu xeer hoosaadka farayo, maadaama ay ka turjumayaan shacabka Soomaaliyeed.

Nuqul kamid ah haddalka Jawaari ayaa ahaa “Ma haboona in arrintan ay sii dheeraato, waayo Xukuumadii ma shaqeyneyo waxa ay ku mashquushay Mooshinka, sidoo kale xildhibaanda arrimahan in ay xaliyaan ayay ku mashquuleen, waxaan codsanayaa dhammaan Wasiirada in ay shaqadooda ku laabtaan.”

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay dhaliilsan yihiin qaabka ay Wasiirada ugu mashquuleen Mooshinka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com