Keating: “Mooshinka Jawaari ka dhanka ah waa uu bur buray”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Xogyahaya Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mecheal Keating ayaa sheegay in uu bur buray mooshinka ka dhanka ah Afhayeenka Baarlamaaanka Soomaaliya.

Keating waxaa uu sheegay in mooshinnadan ay ku soo laa laabteen siyaasadda Soomaaliya isaga oo sheegay in mooshin kale oo ka dhan ah Ra’isalwasaaraha uu hadda socdo.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay xeerar adag oo arrintan wax looga qaban karo si meesha looga saaro waxa uu ugu yeeray musuq maasuqa oo sal u ah xasillooni darrada siyaasadeed ee Soomaaliya.

Waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ugu baaqay in uu la yimaado tallaabo uun wax looga qaban karo xasaradaha taagan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com