Daawo: Jeneraal Biixi oo reer Aadan-Yabaal u diray codsi ku saabsan gabdhahooda

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Madaxtooyadii Al-Shabaab ee Villa Aadan-yabaal wuxuu galabta kula hadlay boqolaal shacabka degmada ah.

Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Aadan-yabaal wuxuu ka dalbaday inay ciidanka gandho u dhisaan, maadaama aysan halkaan ka laabaneyn oo ammaanka Aadan-yabaal ay sugi doonaan, ilaa kooxda laga guuleysto.

Sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa shacabka degmadaas fagaarahaan uga balan qaaday in hal askari oo ka mid ah ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal uusan dib uga laaba doonin, isagoo ka dalbaday shacabka inay cabsida iska dhaafaan.

Dadka reer Aadan-yabaal ayaa fagaarahaan ka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen kooxda Al-shabaab, sida in aad loo caburi jiray, raxmadda Allena aysan heli jirin, “Seddax sano Roob nooma di’in, laakiin markii aad ragaas naga xoreyseen, raxmadii Alle ayaa noo hoortay oo maanta Aaran ayaan joognaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool Aadan-yabaal.

Sidoo kale oday kale ayaa sheegay in waayihii ay Al-Shabaab xukumayeen Aadan-yabaal ay la kulmeen eex badan, “Galabtii maqaayadaha dhan waa la xiri jiray, hal maqaayad oo Bay iyo Bakool la yiraa oo ayagu ay la haayeen ayaa la isugu tegi jiray, eexda ay nagu sameeyeen mid loo dul qaada karo ma aheyn,” ayuu yiri oday kale.

Jeneraal Biixi ayaa dadkaan ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya sidii degmadaan looga difaaci lahaa Al-Shabaab, isla markaana loogu weerari lahaa deegaanada hoos taga Aadan-yabaal oo ay Al-Shabaab joogaan.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi wuxuu u soo jeediyey shacabka degmadaan in maadaama ay kala yaqaanaan dadka deegaanka ay ciidanka ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay xaafadaha degmada ku arkaan qof Shabaab ah.

Hoos ka daawo