Guddiga doorashooyinka oo jawaab rasmi ah ka bixiyey DALABKII Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Cirro oo ka jawaabay dalabkii golaha midowga musharaxiinta ayaa sheegay in aan loo baahneyn dooda ah in la hakiyo doorashada ka socota dalka, isagoo ku dooday in xaalad loo hakiyo doorashada aysan hadda jirin.

Waxa uu sheegay in ka guddi ahaan ay yihiin fulin oo kaliya, balse howsha socota ay tahay mid ay ku heshiiyeen golaha wadatashiga qaran ee ra’iisl wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada.

“Hadii ay wax qabsoomeen oo ay dhaliilo ka yimaadeen waa in la saxo, oo hufnaanta doorashada la saxo waa wax la qaban karo, in doorashada lagu soo dhameystiro waqtigii loogu tala galay waa jidka kaliya ee maslaxada wadanku ay ku jirto, laakiin hala joojiyo doorashada socota dood saxan maaha,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyey go’aankii ay ku laaleen doorashadii kuraas ka mid ah golaha shacabka oo ka dhacday magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in go’aankaas uu gaaray guddiga doorashooyinka kadib baaritaan ay ku sameeyeen hanaankii loo maray doorashada kuraastaas.

Guddoomiye Cirro oo u waramay TV-ga Universal ayaa la weydiiyey tallaabada ay qaadayaan hadii guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu ka diido in dib loogu noqdo doorashada kuraasta muranku ka yimid ayaa waxa uu ku jawaabay;

“Guddiyada heer dowlad goboleed waa kuwa ugu badan ee shaqada xoogeeda haya, guddiga heer federaalka waa kormeeraha in lagu dhaqmayo shuruucda doorashada, cidda marka awooda iska leh hadii ay wax qaldamaan waa guddiga heer federaal, sidaas ayaa awooda loogu kala sareeyaa, sharciyaduna waa in wixii qaldama dib loo saxo, go’aanka guddiga heer federaalna waa waajib in la fuliyo,” ayuu yiri Cirro.

Hoos ka daawo wareysiga