Video: Haweenka Xamar oo soo bandhigay kaalintooda DAGAALKA Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Haweenka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa bilaabay inay garab istaagaan ciidanka qaranka ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab.

Marwada Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan, guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka Sacdiyo Yaasiin, wasiirka haweenka Soomaaliya Khadiijo Diiriye iyo qaar ka mid ah haweenka Muqdisho  ayaa bilaabay diyaarinta cunto fudud oo ciidanka loogu tala galay.

Haweenka ayaa xirtay dhar gaar ah waxayna ku dhawaaqeen inay u socdaan jiida hore ee dagaalka, iyagoo diyaariyey cuntooyin fudud oo maalmaha soo socda loo daabulayo jiidaha hore ee dagaallada ka socda gobollada dalka.

Marwo Sahro Cumar Xasan oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay furinta dagaalka tagaan, “Haweenka Soomaaliyeed garab istaaga waa lagu yaqaan gadaalna ma maraan maalmaha dagaalka, furintaan tegeynaa, cid aan ka cabsaneynana malahan,” ayey tiri Marwada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay inay diyaariyeen agab badan oo sahay looga dhigayo ciidanka qaranka, inta ay dagaalka ku jiraan, “Wax walba ayaan diyaarinay goobo badan ayey ka socotaa howshu, inta halgankaan socdana ma jiifa doono,” ayey tiri, Khadiija Diiriye.

Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in maanta ay soo xirteen dharkii ciidanka xaq u dirirka ah ee Macawiisleyda, “Dharkaan xarago uma aanaa xiran, waa kii ay xirnaayeen raga macawiisleyda ah ee is xilqaamay, ciidanka in maryahoodii aan la gashanay waxaan ku muujineynaa sida aan u garab taaganahay,” ayey tiri Guddoomiye Sacdiyo.

Hoos ka daawo