Farriintii Shabaab ee shalay iyo gulufka BEEL miisaan culus oo ku wajahan dhowaan

Beledweyne (Caasimada Online) – Al-Shabaab waxay shalay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Qaraxyo is xig xigay oo ay ku weerareen xarunta Lama-galaay oo ay badi ku shaqeeyaan maamulka HirShabelle iyo midka heer gobol, waxaa ku dhintay daraasiin dad ah oo ay ku jireen xubno kamid ah maamulka HirShabelle iyo dad shacab ah.

Qaar kamid ah madaxda maamulka HirShabelle ayaa inta badan laga saaray xarunta markii uu dhacay qaraxii labaad. Sanadkaan gudihiisa qaraxyo ay dad badan ku dhinteen ayey Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada Beledweyne.

Qaraxyadaas hore waxaa la fahamsan yahay inay yihiin kuwa sababay in dadka reer Hiirana hubka qaataan oo ay Al-Shabaab toos ula diriraan.

Qaraxyada shalay dhacay waxay kusoo aadeen iyadoo kooxda Al-Shabaab laga saaray inta badan goobihii muhiimka ahaa oo ay ka joogeen gobolka Hiiraan, balse waxaa is waydiin u baahan sida laga yeelaayo xubnaha kooxda ee wei ku dhex nool magaalada Beledweyne.

Qaraxyadii shalay waxaa lagu micneeyey in kooxda isaga yareeneyso culeyska heysta oo ay ku muujineyso inay weli tahay awood jirta.

Reer Beledweyne inkastoo qaraxyadii shalay ay khasaaro xooggan kasoo gaartay, haddana waxay qaraxyadaasi siiyeen baaq ah inay gudaha Beledweyne ka billaabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaabka ku dhex dhuumanaya magaaada Beledweyne iyo dadka garabka siiya.

Suurtagal maahan in koox calooshaada ku jirta aad banaanka ka raadiso, ayey leeyihiin xeel dheerayaasha dagaalka.

Qaraxyadii shalay ee magaalada Beledweyne ayaa la aaminsan yahay inay uga sii darayaan naceybka ay reer Hiiraan u qabaan Al-Shabaab iyo inay sii xoojin doonaan mabda’a dagaalka.

Dhinca kale, ciidan ku hubeysan in ka badan 20 gaari oo nooca dagaalka ah ayaa shalay galab ka dhaqaaqay magaalada Muqdisho, kuwaas oo xalay gaaray degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ciidankaan oo ku xisaab ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya dagaalka Al-Shabaab looga xoreenayo dalka, gaar ahaan deegaanada ay dagto beesha dhexe ee madaxweynuhu.

Ciidankaani waa horudhac tiro intaasi ka badan ayaana la filayaa inay ku biiraan kadibna loo qeybiyo jihooyinka dagaalka, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidankan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maalmahaan la waydiinayey sababta uu reerkiisa ugu qancin la’yahay inay soo galaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayey tani xujo fur u tahay.

Marka la eego cududda ciidan oo ay reerkaan heli karaan iyo awoodda yar ee Al-Shabaabka dhulkooda jooga waa wax aad isku diidaya.

Ciidankaan waxaa la filayaa inay soo afjaraan Al-Shabaabka jooga gobolka Shabeellaha Ddhexe iyo qeybo kamid ah gobolka Galgaduud oo ay beeshaasi dagto.

Dhanka kale, wararka ka imaanayo deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya waxa ay sheegayaan in halkaas ay dib ugu laabteen ciidankii deegaanka ee dhawaan ka baxay.

Kooxda Al-Shabaab waxay wajaheysaa culeyskii ugu ballaarnaa waxaana lasoo wariyey inay qaadeen maalmahaan tallaabooyin quus ah sida ceelal duugis, ceelal sumeyn, afduub shacab iyo qaraxyo umana badna in tallaabooyinkaasi ay ka badbaadin karaan awoodda dagaal ee ku socota.