Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Cabdullahi Xayir Ducaale, ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay gacan weyn ka geysato sidii loo meel marin lahaa heshiiska bahwadaageed ee dowlada iyo gacansatdada.

Cabdullaahi Xayir oo u waramayey barnaamijka Tubta Nabadda, ayaa sheegay in waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dowladda diiradda saari doonta ay tahay in dib loo soo kiciyo ilaha dhaqaalah dalka sida beeraha iyo kalluumeysiga oo uu sheegay in dhowaanahaan aysan soo xareen ilo dhaqaale oo lagu tashan karo.
Ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Peter De Clercq, oo sidoo kale barnaamijka Tubta Nabadda qayb ka ahaa ayaa sheegay in beesha caalamka ay si weyn ugu faraxsan tahay bahwadaagnimada dowladda federaalka ah iyo ganacsiga si gaarka ah loo leeyahay.
De Clercq, ayaa xusay in nuxurka heshiiskii London uu ahaa in hay’adaha dowladda federaalka ah ay wada shaqeyn buuxda la yeeshaan ganacsatada Soomaaliyeed, taasoo oo sahli karta in la gaaro yoolka dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka
Afhayeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed Max’ed Cabdullaahi Marteele, oo la hadlay barnaamijka Tubta nabadda, ayaa tilmaamay in ganacsatada ay ka go’an tahay in ay bixiyaan canshuuraha balse ay muhiim tahay in lagu heshiiyo qaabka loo wada shaqeynayo, taasoo lagu xusay heshiiskii London.