Xog: Maxaa ka jira in Muuse Suudi wadahadal looga dhigay gaadiidka iyo hubkii cuslaa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa ku guuleysatay in Gaadiidka dagaal iyo Hubka culus ay ka dhigto dhowr Hogaamiyayaal hore oo Muqdisho ku dhex wetay Hubka la mamnuucay.

Ilo dhanka amaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare laga dhigay gaadiidka dagaal ee uu ku dhex watay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo magaalada Muqdisho ku dhex watay xiliyada qaar hal Cabdi Bile ilaa laba Cabdi Bile oo u dheer yahay Gaari dul banaan ah, ayaa waxaa iminka lagu soo koobay Gaariga noociisa loo yaqaan Toyota Hilux oo aanu xabadu karin.

Dowlada ayaa balse Muuse Suudi fursad u siisay in Gaariga Toyota Hilux uu ku isticmaalo Hubka laga mamnuucay magaalada Muqdisho sida PKM, maadaama uu yahay mas’uul usoo halgamay dalka iminkana ka tirsan Golaha Aqalka Sare.

Muuse Suudi oo ka duulaya amarada Hub ka dhigista oo ay soo saartay dowlada ayaa qeyb ka noqday mas’uuliyiinta u hogaansamay amark, walow maalmaha qaar uu isticmaalo Gaari nooca loo yaqaan Cabdi Bilaha.

Sidoo kale, dowlada Federaalka ayaa markii si loo eego ku guuleysatay in si hordhac ah ay u xasiliso magaalada Muqdisho, iyadoo tijaabineysa awoodeeda ciidan.

Si kastaba ha ahaatee, sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa iminka si KMG ah loo hakiyay howlgalka Hub ka dhigista oo muddo bil ah ka socday magaalada Muqdisho.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com