Dhageyso: Ciidamada AMISOM oo 500 shil ku galay Muqdisho oo magdhow iska daayee ka cararay

Muqdisho (Caasimada Online)– Taliyaha ciidamada wadooyinka ee taraafikada dowladda Somalia, Jen. Cali Xirsi “Cali Gaab” ayaa sheegay in ciidamada howlgalka midowga Afrika ee AMISOM kuwooda ka howlgala magaalada Muqdisho inay geysteen shan boqol shil oo qaarkood ay dad ku dhinteen.

Shilalkaasi ayuu sheegay Cali Gaab in ay dhaceen intii u dhaxeysay 2011-kii ilaa 2017-kii, isla markaana dadka ay dileen iyo gaadiidka ay burburiyeen wax magdhow ah ka bixin intooda badan.

“Malihi aniga Ciidamada Amisom weey wanaagsan yihiin si fiican ayey wax u maamuleen, laga soo bilaabo 2011 ilaa 2015, shan boqol oo shil ayey galeen in badan wey diideen weyna ka carareen waxana ugu weynaa ninkii tagsiilihii ahaa oo hotelkii Ambasador hortiisa ay si sharcidaro ah u jireen ayna ka carareen balse aan ku qabanay agagaarka Xamar-Bile kuwaas oo sidii loo baahnaa aan wax u bixin” ayuu yiri taliyaha ciidamada taraafikada.

Jeneraal Cali gaab ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo aan wali hellin wax magdhow ah, balse taliska taraafikada uu gacan ka geystay helida magdhowga dadka dhibaatada soo gaartay.

Cali Gaab wuxuu sheegay in AMISOM aysan sharciga dalka ka jira ka weyneyn, isla markaana lagula xisaabtamayo shilalka iyo xadgudubyada ay u gesystaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada ka codsaday in aysan siyaasadeyn shilalka ay geystaan.

Hal habeen ka hor ayaa u danbeysay gaari AMISOM leeyihiin oo kawa dagaalka ah ayaa jiiray mooto Bajaaj mareysay wadada Taleex ee Muqdisho, shilkaasi oo uu sheegay Cali Gaab in aysan wax magdhow ah ka bixin  balse isaga iyo Gudoomiyaha Degmada Hodan ay bixiyeen lacagtii lagu qiimeeyey khasaaraha dhacay.

Gaadiidka AMISOM ayaa marka ay shilalka u geystaan shacabka Muqdisho isaga carara goobta shilka ka dhaco, hase ahaatee waxaa dhacday marar badan in laga taba tagay gaadiidka shilka geysta.

Daawo: Heshiiska bahwadaageed ee DF iyo ganacsatada oo la meel-marinayo

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com