Daawo: Howlgal ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu soo qabtay 30 qof

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey dhac mudooyinkii dambe loo geysanayey dadka reer Muqdisho iyo dhalinyaro uu sheegay in lagu soo qabtay falal dhac ah.

Taliyaha ayaa sheegay in ugu yaraan 30 dhalinyaro ah lagu soo qabtay dhaca loo geysanayo dadka reer Muqdisho, isla markaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan maalmaha soo socda.

“Qeybta guud ee booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigi doonta in ka badan 30 qof oo lagu soo qabtay falalkii dhaca ahaa ee magaaladaan ka dhacay, hadba kaarto cusub ayey la soo baxayaan, laakiin gacan bir ah ayaan ku qaban doonaa, inta aan qabanayna labada maalmood ee soo socota waxaan hor keeni doonaa warbaahinta, si loo arko nin walba waxii uu sameynayey,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Sidoo kale taliyaha booliska Soomaaliya waxa uu sheegay in maalmaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dad kale oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo mudooyinkii dambe soo galay gacanta hey’adaha ammaanka, gaar ahaan booliska.

Dhanka kale ciidanka booliska ee ka howlgala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa xalay soo bandhigay afar (4) nin oo dhalinyaro ah iyo qoryahooda, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay dhac ka geysanayeen xaafado ka tirsan degmadaas.

Dhalinyaradaan ayaa lala soo bandhigay qoryihii ay wateen iyo mooto Bajaaj, sidoo kale faleefoono ay dad ka dhaceen ayaa la sheegay in lagu soo qabtay.

Mudooyinkii dambe waxaa cirka isku shareeray dhaca ay kooxaha hubeysan u geysanayaan dadka reer Muqdisho, kaas oo sidii hore ka duwan, waxayna dadka dhaca geysanaya isku raacaan koox badan, mararka qaarna waxay ku dhiiradaan inay ka shubtaan lacagaha ugu jira telefoonadooda.

Hoos ka Daawo