DF Soomaaliya oo Puntland ku cambaareysay fal ay mid ka darran ayada ku kacday

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaleeceeyey ka hortag ay ciidmaada ammaanka Puntland ku sameeyeen banaanbax nabadeed oo ay dhigayeen shacabka ku nool magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xun tahay falkii foosha xumaa ee maanta ka dhacay magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag oo ay ciidamada Amniga Puntland si ula kac ah xoog iyo xabad ugu adeegsadeen bulshada ku dhaqan magaaladaas oo samaynayay banaanbax nabadeed,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Qoraalkaan waxaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin ‘fal kasta oo waxyeello loogu geysanayo shacab aan hub wadan.’

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku baaqaysaa in la ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, shacabkana la dhawro.”

Magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag waxaa shalay ka dhacay banaanbax lagu taageerayey madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana looga soo horjeeday siayasadda madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Dibad-baxayaashaan waxaa hoggaaminayey xubno ka tirsan 8-dii xildhibaan ee baarlamaanka Puntland uu xasaanadda ka qaaday, kuwaas oo dhowaan gaaray magaalada Dhahar oo kolkii hore laga soo doortay.

Tallaabadaan caburinta ah ee dowladdu ay ku eedeyneyso Puntland, mid lamid ah ayey Muqdisho ka geysatay bishii hore ee Febraayo, xilligaas oo ciidamada ammaanku ay rasaas ku kala ceyriyeen mudaharaadayaal ay ku jireen musharaxiin iyo siyaasiyiin kale.

Tallaabaddan ayaan sidoo kale waxba ka duwaneyn tii 19-kii Feb ay ciidamada DF ku weerareen hotelkii ay deganaayeen madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed iyo ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo horkacayay bannaanbaxayaal kasoo horjeeday nidaamka doorasho diidka ah ee Farmaajo.