Cabdirashiid Janan: Axmed Madobe banaanka ayaan ka dhigeynaa Jubaland + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo ka mid ah siyaasiyiin Muqdisho uga dhawaaqay is baheysi ka dhan ah Axmed Madoobe oo la magac baxay “Badbaadada Jubbaland” ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaa doonin mudo kororsiga uu shalay u codeeyey baarlamaanka Jubbaland.

“Saaxiibkey Axmed Madoobe waxa uu sameynaayo wax hiigsigeena anfacaaya maaha, qof kasta oo diidan sida uu wax u qado oo ku nool deegaanada Jubbaland waxaan sii doonaa gabaad uu halgankiisa ku sii wado,” ayuu yiri Janan.

Wuxuu sheegay in qorshaha mudo kororsiga ah aysan ku qanacsaneyn xubnihii codeeyey ee baarlamaanka Jubbaland, balse uu ku yimid amar uu bixiyey Axmed Madoobe oo jooga Dubai Imaaraadka.

“Saaxiibkey Axmed waxaan leeyahay waayo badan ayaad soo joogtay Jubbaland ee ka wareeg intaan ka badan haku ceeboobine, sidaa ogtihiin dowladaan federaalka waxaa lasoo dhisay Farmaajo oo banaanka ka jooga, anaguna Jubbaland waxaan rabnaa inaan dhisno Axmed Madoobe oo banaanka ka jooga,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan.

Janan oo mar saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe, hadda wuxuu carabka ku adkeeyey in qorshahoodu uu yahay in Axmed uusan wax talo ah mar dambe ku yeelan doorashooyinka Jubbaland.

“Walaalkey Farmaajo in banaanka la dhigo waxaa sababtay labadii sano ee mudo kororsiga aheed, marka tan Axmed waxay ku sababi doontaa in banaanka uu ka ahaado talada Jubaland, Axmed waqtigiisa waa soo qaatay, sharciguna uma ogolaanayo inuu mar dambe tartamo, banaanka ayuu ka fariisanayaa talada Jubaland, isagoo oday Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri Janan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiin miisaanka leh ee ka hor yimid qorshihii mudo kororsiga ahaa ee shalay loo sameeyey xukuumadda iyo baarlamaanka Jubbaland.

Siyaasiyiin iyo waxgarad miisaan ku leh siyaasadda deegaanada Jubbaland ayaa isbaheysigaan uga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaas oo loogu magac daray “Badbaadada Jubaland” waxaana Godoomiyaha isbadal doonkaan loo doortay nin lagu magacaabo Aadan Afey, kaas oo sheegay in dhowaan ay tegi doonaan Kismaayo.

Hoos ka daawo Janan