Daawo: Kheyre oo loo diray dalab culus oo la xiriira ciidanka loo qaaday Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore Amniga ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo ka hadlay ciidamada loo qaaday dalka Eritrea ee la soo warinayo inay ka dagaalameen Ethiopia ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu ka hadlo waxa uu ka ogyahay arrintaas.

Cabdirisaaq Cumar oo wareysi siiyay telefishanka Goobjoog ayaa waxa uu Kheyre u soo jeediyay in arrintaas uu cadeeyo haddii uusan ku lug laheyn, maadama uu yahay Musharax madaxweyne.

“Waqtigii uu joogay Xasan Cali Kheyre ayaa la qaaday ciidamada, waxaa qabaa in Kheyre wixii uu ka ogyahay arrintaas uu ka hadlo asaga ayey sumcad ugu jirta, xataa haddii uusan ka warqabin ha dhaho Fahad iyo Farmaajo ayey ku koobneyd,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in loo baahan yahay in madaxda ku lugta lahaa arrintaas ay soo hor istaagan waalidka dhalay dhalinyarada la geeyay Eritrea, una sheegan dhimasho iyo nolol xaalada ay ku sugan yihiin caruurtooda.

“Dowladda cusub ee imaan doonta waxaa qabaa inay la xisaabtamto dadka mas’uuliyada lahaa in wiilasha la geeyo Eritrea, oo ah dadka hadda mas’uuliyada haya oo ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.”

Wasiirkii hore Amniga ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeyay in uu illaa hadda ka aamusan yahay dhalinyarta ku maqan Eritrea, oo qaarkood la soo warinayo inay ku baxeen dagaalkii Ethiopia.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay soo baxayso in dhawaan dalka dib loogu soo celin doono qaar kamid ah ciidankii muranka badan dhaliyey ee tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, sida ay noo xaqiijiyeen Jeneraalo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Horaanta bisha soo socoto ee February ayaa la filayaa in ciidankaas la keeno Magaalada Muqdisho, waxaana loo diyaariyey in la dejiyo xerada Jeneral Gordan, halkaas oo wixii daganaa lagu amray inay ka guuraan.