Daawo KHEYRE: “Waxaan go’aansaday inaan umadda u noqdo tusaale oo is-casilo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa caawa shaaciyey in uu is-casilay, kadib markii guddoomiyaha golaha shacabka uu maanta ku dhawaaqay in xildhibaanadu kalsoonidii kala noqdeen xukuumaddiisa

“Waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilkii ummadda Soomaaliyeed u hayay.”  Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Kheyre ayaa carabka ku adkeeyey in uu garwaaqsanyahay in wixii maanta ka dhacay xarunta golaha shacabka aysan sharci aheyn, balse uu u tanaasulay  umadda Soomaaliyeed si uu tusaale ugu noqdo, sida uu sheegay.

“Aniga oo og In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, In  xitaa aanay ajandaha ku jirin, in aanay waafaqsanayn dastuurka  iyo shuruucda dalka. Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed,  mid dhaqaale, amni iyo bulsho,” ayuu yiri Kheyre.

“Waxaan ka shaqeynay isu keenidda dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka, waxaan isugu keenay Dhuusamareeb, si go’aan loo dhanyahay looga gaaro doorashada dalka ku soo fool leh, iskastoo kulamadii Dhuusaamreeb laga gaaray horumar, hadana waxaa muutada in weli uu jiro fekerkii ku aadanaa mudo kororsiga, oo salka ku hayey wixii maanta ka dhacay golaha shacabka, oo aan mar hore ka digay, isla markaana aan aaminsanahay in qal qal uu dalka ku keeni karo, hadana dadka Soomaaliyeed waxaan xasuusinayaa in ay khasab tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo afartii sanaba mar,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka Daawo