Sii-hayaha xilka RA’IISUL WASAARAHA oo sameeyey magacaabistii u horreysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sii-hayaha Ra’iisul wasaraha dalka ahna Raiisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa caawa sameeyey magacaabistii ugu horeysay, saacado kadib markii si KMG ah loogu magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha.

Mahdi Guuleed ayaa bedelay Xoghayaha joogtada ahaa ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, isagoo magacaabay Xoghaye cudub.

Wareegto ka soo baxday xaafiiska ku simaha Ra’iisul wasaaraha ayaa Cabdirasaaq Xuseen Aadan si ku meel gaar ah loogu magacaabay Xoghayaha cusub ee xaafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa galabta ku simaha Ra’iisul wasaaraha loogu magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo horay u ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen.

Magacaabista Mahdi Guuleed waxay ka dambeysay kadib markii kulankii xildhibaanada golaha shacabka ee maanta lagu shaaciyey in kalsoonidii lagala noqday xukuumadda Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Hoos ka aqriso magacaabista