Daawo: Mukhtaar Roobow oo balan-qaad soo saaray kadib xilkii uu la wareegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Shwekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa hadal kooban ka jeediyey munaasabad uu maanta xilka kula wareegay.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa balan qaaday in mudada uu joogo wasaaraddaan uu ku dadaali doono in si dhab ah uu u guto xilkiisa, isla markaana ay amaano ahaa doonaan waxa loo dhiibay.

“Waxaan ku dadaali doonaa in  culumada Soomaaliyeed aan isku heyno oo la tashano, waxaan dhageysa doonaa ra’yigooda, si midnimo ah ayaan ku wajihi doonaa khalad kasta oo diini ah oo jira,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu ka shaqey doono in wasaaradaan ay noqoto mid ka soo dhalaasha magaca ay wadato ee awqaafta iyo arrimaha diinta, “Wixii tabar bini’aadam ah oo la waban karo ayaan qaba doonaa,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goobjoog ahaa minaasabadii uu xilka kula wareegay Roobow, “Wasaaradaan ahmiyada ay leedahay magaceeda ayuu ka muuqdaa, anaguna islaam ayaan nahay, waxay wasaaradani noo xil saaran tahay inay noo ilaaliso caqiidadeena saxiixa ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mukhtaar Roobow kula dardaarmay in wasaaradani ay jiheyso fahamka bulshada, “Culumadu waa inay noqoto caganta midi gee dowladdu ay amniga kaga shaqeyneyso, waxaan rabnaa in culumadu ay bulshada u sheegto qaladkooda, iyagoo ku saleynaya shareecada islaamka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa culumada Soomaaliyeed ka dalbaday inay cadeeyaan mowqifkooda dagaalka Al-Shabaab oo bulshada ay si cad u dhahaan iska celiya ragaas, “Waa in culumadu ay dadak Soomaaliyeed yiraahdaan sidaan ayaad ku jiri doontaan hadii aadnaa amni gacmihiina ku sameysan.”

Hoos ka daawo