Daawo: Muuse Geelle oo sharxay sababtii ay doorashada uga reebeen Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii guddiga doorashooyinkii dadbanaa ee dalka ka dhacay Muuse Geelle Yuusuf ayaa markii ugu horeysay wareysi uu bixiyey ku faahfaahiyey dhibaatooyinkii ay ka soo mareen inay dhacdo doorashadii socotay 21-ka bilood.

Sidoo kale Muuse Geelle ayaa ka hadlay kursigii ugu muranka badnaa doorashada dalka ee Beledweyne uu ka soo qaatay Fahad Yaasiin, kaas oo ilaa hadda aan xildhibaan rasmi ah loo dooran.

“Kursigaas wuxuu ka mid ahaa kuraas uu habraaca doorashadu ka qaldamay, beel ayaana iska laheyd oo ilaa hadda laga war sugaa, beesha ayaa laga doonayaa inay qof u doorato kursigaas HOP086,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin aysan gaar u beegsan, laakiin kursigaas uu ka mid noqday kuwo ku soo baxay xaalado aan fiicneyn oo indhaha ay ka fiirsa waayeen, “kadibna amar ayaan bixinay ahaa in doorashada kuraastaas lagu noqdo, waana lagu noqday qaarkood.”

Markii ay Baydhaba u tageen xalinta kuraastii kale ayuu sheegay in arrinta kursiga HOP086 ay maxkamadda sare jirtay, taas oo dacwo uu u geystay Fahad Yaasiin, sidaasna ay ku dhaafeen.

Muuse Geelle oo wareysigaan siiyey Idaacadda Kulmiye ayaa sharaxay caqabadihii ugu waaweynaa ee qabsaday, isagoo sheegay in mar kaliya aysan faro gelin ka nasan.

“Qolo kasta waxay naga hor istaageysay wixii aysan u arkeyn in danu ugu jirto, xitaas beesha caalamka ayaa faro gelinta qeyb ka aheyd, dowladaha caalamka qaar waxay doonayeen in hoggaamiyaashii hore ee dowladda ay meesha ka baxaan, qaarna waxay doonayeen inay xukunka ku soo laabtaan,” ayuu yiri guddoomiye Muuse Geelle.

Wuxuu sheegay in wax faro galin ah oo ay dhibsadeen aysan kala kulmin Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay ayagu gaarayeen go’aanadii doorashada, halka Ra’iisul Wasaaruhu uu ahaa hoggaamiyaha guud ee doorashada dalka.

Mar wax laga weydiiyey eedeyntii Madaxweyne Laftagareen ee aheyd ‘warqadaha guddiga doorashooyinka meelo kale ayaa looga soo qoraa Muuse Geelle’ ayuu ku jawaabay, “Laftagareen marar badan ayuu waxaan jirin igu eedeeyey, weligiis R/Wasaaruhu wax nooma soo qorin, marka waa dacaayad nagala faafiyey.”

Muuse Geelle ayaa sheegay in doorashadaan ay aheyd tii ugu dhibka badneed, laakiin ay noqotay tii ugu laaluush bixin yareed, isagoo tusaale u soo qaatay kaalintii ay ku lahaayeen golaha wadatashiga qaranka oo ka baaraan degay arrimaha laaluushka.

29-kii bishii hore ee May ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble kala diray guddigii doorashooyinka heer federaal, isagoo ku amaanay shaqadii ay qabteen, xilligaas Rooble wuxuu ka war helay wadahadal hoose oo xubno ka tirsan guddiga ay kula jireen Fahad Yaasiin oo doonayey in guddigu uu fasaxo kursigiisa.

Hoos ka daawo wareysiga