JAWAARI oo si cajiib ah uga hadlay ololaha ‘guriga loogu dhisayo’ Maxamed Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay guriga la sheegay in qaaraan dadka laga uruuriyey loogu dhisayo madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Guddoomiye Jawaari oo wareysigaan siiyey Tv-ga Dalsan ayaa fowdo weyn iyo ceeb ku tilmaamay guriga Farmaajo loo dhisayo, isagoo sheegay in Madaxweynihii hore uu leeyahay xuquuq dastuuri ah, isla markaana uusan qaaraan u baahneyn.

“Dadka Farmaajo dhahaya guri ayaan kuu dhiseynaa, waxay wadaan faduul iyo sharaf dil ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, kuwa Farmaajo kula talinaaya waxay kuu dhiseynaa guri oo lacag ayaan kuu uruurineynaa, waxay wadaan fowdo lagu ceebeynayo shacabka, waxaan u soo jeedinayaa inay ka haraan waxaas,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka, wuxuu sidoo kale sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo wakiilladooda siyaasadda ay horay maamuus ugu sameeyeen madaxweynihii xukunka si nabad ah uga dega.

“Wuxuu sharcigeenu qabaa madaxweynihii aan qiyaano qaran gelin oo si nabad ah xukunka ku wareejiya inuu xaq u yeelanayo xildhibaan inta uu noolyahay,” ayuu hadalkiisa ku soo daray guddoomiye Jawaari.

Profosser Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo si dhameystiran aan wareysigiisa loo baahin ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, isbadalka siyaasadeed ee dalka ka dhacay, guriga Farmaajo loo dhisayo waxa uu sharcigu ka qabo, nooca uu yahay iyo astaamaha lagu xula karo Ra’iisul Wasaaraha loo baahan yahay xilligaan, kursigii Baydhaba looga soo diiday iyo  arrimaha kursiga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa mudo dheer lasoo shaqeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo laba jeer soo noqday guddoomiyaha baarlamaanka, balse Farmaajo ayaa xukunka ka tuuray, kadibna Laftagareen ayuu sheegay inuu ka hor istaagay inuu mar kale u tartamo kursigiisa.