Daawo: Muxuu Cabdirashiid Janan ka yiri doorashadii laga wareejiyey Garbahaarey?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa si lama filaan ah uga hadlay go’aankii uu guddiga doorashadad heer Federaal uu magaalada Ceelwaaq ugu wareejiyay doorashada kuraastii taalay magaalada Garbahaareey.

Janan ayaa go’aanka guddiga FEIT ku tilmaamay inuu yahay go’aan mudan in lasoo dhaweeyo maadaama uu kusoo aaday waqti loo baahnaa.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in gobolka Gedo laga badbaadiyay inay ku dhacdo matalaaad la’aan, isagoo sheegay in guddiga doorashada uu qaatay go’aan wanaagsan oo Gedo looga saarayo jiitanka doorashada.

“Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku-xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubaland imaan karo, oo guddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doorashada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas waxaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Soomaaliyeed, sida maantaba dhaarta uga hareen,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay Idaacadda goobjoog.

Cabdierashiid Janan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo iyo hay’adda Nabad-Sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo.

Janan ayaa intaas kusoo daray inay quus taagan yihiin cid kasta oo isku dayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada, sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yimid wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Janan oo dhameystiran