Xog: Sababta ay taliyaasha xildhibaanada noqday u diideen inay dhaartaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah Afarta taliye ee xukunta ciidamada dalka ayaa ku biiray golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad. Yaasiin Cabdullaahi Farey oo ah taliyaha ku-meel gaarka ah ee hay’adda NISA iyo Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) oo taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliya ayaa xubno ka noqday Baarlamaanka cusub.

Labada Nin ayaa Baarlamaanka kasoo galay Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Saraakiishaan weli waxay ku fadhiyaan xilalkoodii hore.

Shalay waxay aheyd Maalintii la dhaarinayey xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad. Taliye Yaasiin Farey ayaa tagay xarunta guddiga FEIT, wuxuuna qaatay shahaadada xildhibaanka laakiin ma uusan xaadirin dhaartii xildhibaanada, halka taliyaha Asluubta xildhibaan Mahad uu isna dib isaga dhigay shahaado qaadashada iyo dhaarta Labada.

Labada sarkaal ayaa haddii ay dhaartaan noqonaya xildhibaano rasmi ah, taasoo ka dhigan inay si toos ah u weyn doonaan xilka taliyinimada.

Qofka xildhibaanka ah looma ogala xil ka hooseeya wasiir federaal ah, taliyaaashana waxay xisaabsan yihiin darajo ka hooseyso wasiir, sidaas darteed, maalintii ay dhaartaan oo ay xildhibaano buuxda noqdaan waa banaan yihiin hoggaanka labadaas ciidan.

Yaasiin Farey oo hadda kamid ah xubnaha sida weyn Farmaajo ugu dhow dhow ayaa haddii uu NISA baneeyo waxaa abuurmaya dood cusub, horey Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madaxweyne Farmaajo waxay ugu heshiiyeen inuu Yaasiin Farey si ku-meel gaar ah hay’adda NISA usii hoggaamiyo, balse ay ka heshiiyaan cidda loo magacaabayo xilka taliyaha rasmiga ah.

Labada Nin ee Farmaajo iyo Rooble si weyn ayey u kala fog yihiin waqtigaan, mana ka heshiin karaan qadiyad noocaas ah, sidaas darteed NISA waxay heysataa inuu Yaasiin Farey sii joog ama inuu abuurmo buuq cusub oo hoggaankeeda la xiriira.

Labada taliye ee Asluubta iyo NISA dib ayey isku sii dhigi doonaan illaa muddo si ay xilakooda usii heystaan ayaa laga soo xigtay qaar kamid ah dadka ku dhow dhow taliyaashaan, Farmaajana hadda xiiso uma qabo isbadal xagga hoggaanka ciidanka ah, maadaama ay dhammaan saraakiisha isaga weli daacad u yihiin.