Daawo: Muxuu madaxweyne Xasan ka yiri haddii ay is-khilaafi doonaan ra’iisul wasaarihiisa?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sharaxaad ka bixiyey sababaha keena inay mar kasta isqabtaan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Xasan Sheekh oo dowladii uu hoggaaminayey ay yeelatay seddax Ra’iisul Wasaare oo labo uu xukunka ka tuuray kadib markii ay isku qabteen shada socota ee dowladda ayaa sheegay in meesha uu dhibku ka jiro ay tahay dhanka Dastuurka dalka oo weli qabyo ah.

“Horta dhibkeenu kaliya maahan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha xukunka jooga ee is qabsanaya, dhibku wuxuu naga heystaa dhanka dastuurka, waxaa noo shaqey la’ awoodaha xadadaya hanaanka ay u shaqeynayaan Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in tan iyo markii ay xornimada qaadatay Soomaaliya aysan jirin dowlad ay xukunka isla dhameysteen Ra’iisul Wasaare iyo Madaxweynihiisa.

“Marka arrinta meesha taalla Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha maaha, waa sharciga dalka waxa dib u eegista u baahan dastuurka iyo qodobada quseeya arrintaas, tusaale aniga hadda waa la i doortay, markii aan Ra’iisul wasaare u soo magacaabo nin aan la dooran, masuuliyadiina ay dadku Madaxweynaha saareen qoortaa la isku gelayaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo wareysi siiyey Idaacadda VOA ayaa sidoo kale sheegay in howsha ugu weyn ee xafiiska Madaxweynaha ka bilaabata ay tahay soo magacaabidda Ra’iisul wasaaraha.

“Dadka Soomaaliyeed-na madaxweynaha ayey eegayaan oo masuuliyadda asaga ayey saarantahay oo lasoo doortay, marka arrimahaas is qabashada Ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynaha, waa kuwo u baahan in dadka Soomaaliyeed lagala hadlo, doodo laga furo oo la hagaajiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wareysigaan uga hadlay waxa dowladdiisa u qorsheysan 100-ka maalmood ee ugu horeeya, qorshihiisa amniga Muqdisho, deyn cafinta, sidii looga gudbayo awood qeybsiga beelaha ee 4.5 iyo doorasho dadban.

Hoos ka daawo